XARUNTA MACLUUMAADKA IYO XUQUUQDA SOCDAALKA

Markii ugu dambeeysay la cusbonaysiiyay: Janaayo 22, 2025

Afeef: Dukumeentigan waxaa loogu talagalay ujeeddooyin waxbarasho, madani, iyo mid u doodid. Macluumaadka lagu bixiyey mareegtan waa ujeeddooyin macluumaad oo keliya ee looguma talogelin talo sharci. Xitaa haddii ay u muuqato in lagu bixinaayo talo sharci, maaha talo sharci oo loogu talagalay xaaladdaada gaarka ah sababtoo ah xaalad kasta waa mid ka duwan mida kale. Haddii aad u baahan tahay la-talin sharci oo gaar ah xaaladdaada, fadlan la tasho qareen takhasus u leh.

Maamulka labaad ee Trump ayaa la filayaa inuu soo bandhigo isbedello waaweyn oo lagu sameeynaayo xeerarka socdaalka, kuwaas oo laga yaabo inay ku jiraan in aay dhacdo qabashada iyo masaafurintii ugu badnayd ee dhacday taariikhda Mareykanka. Xeerarkan waxay u badan tahay inay bartilmaameedsanayaan qoysaska iyo bulshooyinka soogalootiga ah, kordhinta talaabooyinka fulinta, iyo wiiqida ilaalinta dadka aan muwaadiniinta ahayn. Soo-galootiga waa in ay u diyaar garoobaan caqabado waaweyn, sida:

  • Kordhinta masaafurinta ee lagu beegsanayo shakhsiyaadka leh amarada masaafurinta kama dambaysta ah ama diiwaannada dembiyada.
  • Siyaasadaha xaddidan ee magangalyada taasoo adkeyneysa qaxootiga inay raadsadaan ilaalin.
  • Cabsida ciqaabta ayaa ka dhigaysa soogalootiga inay ka labalabeeyaan ka qayb qaadashada nolosha guud.

Iyadoo aan loo eegin xaaladdaada socdaalka, waxaad leedahay xuquuq dammaanad ah sida uu dhigayo Dastuurka Maraykanka. Fahamka xuquuqdaada iyo u diyaargarowga isbedelada iman kara waa tillaabooyinka muhiimka ah ee gacan looga geysanaayo ilaalinta naftaada iyo bulshadaada. Xuquuqdaada waxaa ka mid ah ka ilaalinta baaritaannada sharci darrada ah iyo qaadashada hantida, xaqa aad u leedahay inaad aamusto, xaqa aad u leedahay inaad la hadasho qareen, iyo dammaanad qaadka nidaamka xuquuq dhowrka leh haddii lagu xiro ama aad wajahayso nidaamka musaafurinta. Hadday tahay guriga, shaqada, ama meel fagaare ah, waa muhiim inaad ogaato xuquuqdaada iyo sida loo isticmaalo.

Maxaa laga filayaa Maamulka Trump

Inta lagu guda jiro maamulka labaad ee Trump, isbedel weyn oo ku saabsan siyaasadda socdaalka ayaa la filayaa. Isbeddelladan waxaa ka mid noqon kara dib u soo celinta xayiraadda socdaalka ee lagu beegsanayo waddamadii hore loogu taxay maamulkii ugu horreeyay ee Trump, sida Iran, Nigeria, iyo Yemen. Waxa kale oo laga yaabaa inaan aragno mamnuucida safarka oo la balaariyay oo lagu daray dalal kale sida Shiinaha iyo Hindiya. Ilaalinta magangalyada waxay u badan tahay inay la kulmaan xayiraado dheeraad ah, iyo barnaamijyada sida Barnaamijka ilaalinta kuwa ku imaada caruurnimadaa (DACA) iyo Xaalada Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS) ayaa laga yaabaa in meesha laga saaro. Masaafurin ballaaran ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro shaqsiyaadka la siiyay xukunadda masaafurinta kama dambaysta ah ama diiwaanka dembiyada, in kasta oo caqabadaha sharci ay dib u dhigi karaan dadaalladan. Ilaalinta carruurta aan lala socon iyo qoysaska ayaa laga yaabaa in la wiiqo, iyadoo xoogga la saarayo baahida loo qabo qorsheynta badbaadada qoyska iyo in shakhsiyaadka ay ka fekeraan dukumentiyada ay sitaan. Ardayda caalamiga ah iyo shaqaalaha waa inay u diyaar garoobaan kordhinta dib u dhigista fiisaha iyo hubinta taariikh dembiyeedyada, iyo kuwa ka safraya gobollada ay dhibaatadu saameysey waxaa lagula talinayaa inay ku laabtaan Mareykanka ka hor intaysan bilaabmin simistarka. Intaa waxaa dheer, siyaasadaha taariikh ahaan xaddiday qaar ka mid ah ficilada dhaqangelinta ee meelaha la ilaaliyo iyo/ama inta lagu jiro hawlaha la ilaaliyo waa laga yaabaa in la buriyo, inkasta oo sababaha siyaasadda guud ee xooggan ay ka dambeeyaan siyaasadahaan. Kuwaas waxaa ka mid ah dhimista dhaawacyada carruurta, awood u siinta helitaanka daryeel caafimaad, iyo ixtiraamka xaqa cibaadada.

Tallaabada xigta: Diyaarinta iyo Awooda Bulshada

Inkasta oo caqabadahaas ay jiraan, haddana u diyaargarowgu waxa ay keenaysaa rajo iyo awood. Ururada sharciga ah, kooxaha gargaarka loo dhan yahay, iyo shabakadaha u doodista ayaa aad uga fir-fircoon sidii horaan aay ahaayeen, iyagoo bixinaaya macluumaadka lagu caawinayo soogalootiga inay maraan waqtiyadan aan hubantidu jirin. Dhisida qorshaha degdega ah ee qoyska, isku xidhka shabakadaha jawaabta degdega ah, iyo ka warhaynta wixii ku saabsan horumarka sharciga ayaa ah xeeladaha muhiimka ah. Wakaaladaha iyo goobaha shaqada, sidoo kale, waxay taageeri karaan diyaarinta tababarida shaqaalaha, abuurista qorshayaal hawleed, iyo caddaynta xeerarka iyo hababka shaqaalaha iyo qaatayaasha adeegga. Hanjabaadaha soo socdaa waa dhab, laakiin awood ayaan leenahay oo waanu ka guulaysan karnaa. Cabashada dadwaynaha iyo abaabulka bulshada ayaa la caddeeyey inay wax ku ool u yihiin ka hortagga siyaasadaha waxyeellada leh, sida ay muujisay isbadelka siyaasadda kala-goynta qoyska.

Si wadajir ah, waanu wajihi karnaa xilligan. Waxaan difaaci karnaa qiyamkeena. Awoodeena ayaan adeegsan karnaa. Waanu ilaalin karnaa bulshadeena.

 

Ogaanshaha Xuquuqdaada

Fahmidda xuquuqdaada muhaajir ahaan ee aad ka leedahay goobaha maalinlaha ah - waddada, guriga, ama dugsiga - waxay kaa caawin kartaa inaad isdejiso oo aad u doodo naftaada haddii ay kuu yimaadaan Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta howlaha ee Maraykanka (ICE) ama booliiska.

  • ACLU-D.C. – Xuquuqda Muhaajiriinta ee dhexgalka sharci fulinta: Baro waxa la sameeyo haddii ay ku joojiyaan ama ay su'aalo ku weydiiyaan saraakiisha fulinta sharciga ee degaanka ama federaalka. Ilahani wuxuu sharxayaa xuquuqdaada dastuuriga ah, iyadoon loo eegin sharcigaaga socdaalka ee D.C. Xiriirka
  • ACLU – Waxa la sameeyo haddii wax laga weydiiyo xaaladdaada socdaalka: Baro sida looga jawaabo haddii sharci fulinta ama saraakiisha ICE ay ku weydiiyaan xaaladaada. Ka warqab dukumeentiyada aay tahay in aad bixiso (iyo kuwa aay tahay aanad) bixin. Xiriirka
  • ACLU – Waxa la sameeyo haddii Wakiilada Socdaalka (ICE) ay ku sugan yihiin albaabkaaga: Baro wax ku saabsan xuquuqdaada gelitaanka guriga iyo dukumeentiyada ay tahay in ICE ay haystaan si ay si sharci ah ugu so galaan gurigaaga. Xiriirka
  • Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Degmada Columbia - Difaacida Bulshadeena Soogalootiga ah: Wuxuu sharxayaa dadaalka maxalliga ah ee lagu ilaalinayo xuquuqda muhaajiriinta wuxuuna bixiyaa habraac sharci iyo siyaasad gaar ah Degmada Columbia. Xiriirka
    • Dhaqangelinta socdaalka ee goobta shaqada ogow xuquuqdaada. Hagida OAG si ay u caawiso loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha inay ogaadaan xuquuqdooda aay ku leeyihiin gudaha Washington, , D.C. Xiriirka Ingiriisiga | Xiriirka Isbaanishka
    • Dhaqangelinta Socdaalka ee Dugsiyada. Hagida OAG si loo caddeeyo xuquuqda ardayga iyo macluumaadka ku saabsan fulinta socdaalka ee dugsiyada looga dan leeyahay in lagu taageero shaqaalaha degmada si loo ilaaliyo xuquuqda ardayda iyo qoysaska Xiriirka Ingiriisiga | Xiriirka Isbaanishka
  • Xarunta Sharciga Socdaalka Qaranka (NILC) – Xaashida macluumaadka ku saabsan dammaanadda iyo amar-qaadista. Baro sida loo aqoonsado dammaanad qaadista saxda ah iyo amar maxkamadeed oo ogow waxaad u baahan tahay inaad samayso haddii mid lagu siiyo. Xiriirka
  • CASA – Ogow Xuquuqdaada: Baro Sida Loo Ilaaliyo Naftaada iyo Qoyskaaga: Waxay ku siinayaan talooyin aasaasi ah oo ku saabsan waxa la sameeyo oo aan la samayn marka ay la hadlayaan saraakiisha socdaalka, oo ay la socoto hage aad soo dejisan karto. Xiriirka
  • Xarunta Macluumaadka Sharciga Socdaalka -D.C. iyo Khariidadda Dawladaha ee Sharciga Dhaqangelinta Socdaalka 2024: Soo hel macluumaadka gobolka-gaarka ah ee ku saabsan sida deegaanku ula falgalaan fulinta socdaalka federaalka, oo arag halka ay bulshadaadu aay taagan tahay. Xiriirka (Fadlan ku dhufo khariidada oo so weeyneeyso si aad u hesho D.C — waa meel yar oo u dhaxaysa Virginia iyo Maryland. Waa kan isku xirka ku geeynaya qaanuunka D.C: https://bit.ly/3PJfbL0)
  • NILC – Xaashida Xaqiiqda: Ka-Noqoshada Siyaasadaha Goobaha Ilaalinta ee Trump waxay Khatar Gelinaysaa Badbaadada Dadka oo Dhan: Bishii Janaayo 20, 2025, Maamulka Trump ayaa baabi’iyay siyaasaddii xilligii Biden oo ilaalinaysay goobo gaar ah—sida kaniisadaha, dugsiyada, iyo isbitaallada—ee ka caaggan fulinta sharciyada socdaalka. Si taas beddelkeeda ah, waxay soo saareen amar aan la shaacin oo siinaya wakiillada ICE awood aan xadidnayn oo ay ku fuliyaan hawlgallada sharci fulinta meel kasta oo ah goobahan iyagoo adeegsanaya waxa ay ugu yeereen “garasho guud.” Xaashidan xaqiiqda ah waxay sharxaysaa siyaasadda goobaha ilaalinta, shuruucda hadda ka jirta meelahaas, iyo tallaabooyinka ay u doodayaasha iyo bulshooyinku qaadi karaan si ay uga caawiyaan muhaajiriinta inay sii helaan goobaha iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Xiriirka

  • Mijente – Ogow Xuquuqdaada aad ku difaacdo Xuquuqdaada (Ingiriisi iyo Isbaanish) Macluumaad laba luqo ah oo ku saabsan ilaalintaada dastuuriga ah, iyada oo diiradda la saarayo ka-hortagga aflagaadada jinsiyadda iyo falalka dhaqangelinta takoorka. Xiriirka Ingiriisiga | Xiriirka Isbaanishka
  • iAmerica (Madasha ololaha cadaalada soogalootiga qaranka ee Ururka Shaqaalaha Adeegga ee Caalamiga ah /SEIU)  – Xuquuqdaada aad leedahay Shaqaale Muhaajir ahaan: Boggan waxa uu bixiyaa macluumaadka ku saabsan xuquuqda shaqaalaha waddanka sogalootiga ku ah iyo ilaalinta xuquuqdaas. Xiriirka
  • United We Dream – Migra Watch: (Kormeerka Socdaalka) Waxay ku shaxaysa waxaa aay tahay in aad sameeysid haddii aad la kulanto ama aad la kulanto dhaqdhaqaaqa ICE ee dadweynaha dhexdiisa. Waxay bixisaa hagitaan loogu talagaly muwaadiniinta Mareykanka iyo xulafada sida loogu istaago bulshooyinka soogalootiga ah Xiriirka

U diyaargarowga Tallaabooyinka Dhaqangelinta Socdaalka

Marka siyaasadaha socdaalku isbedelaan, qorshe in la yeesho ayaa muhiim ah. Haddii oggolaanshahaaga shaqadu uu ku dhow yahay inuu dhaco, ama aanad waligaa aad qaadanin sharci, diyaargarow hore ayaa kaa caawinaya inaad naftaada ilaaliso.

  • Nidaamka Masaafurinta Tirada Badan iyo Kala Saarida Qoysaska Badan: Si qoto dheer in loogu fiirsado sida hawl-gallada ballaaran ee xariga iyo masaafurinta ay u dhacaan, iyo sida ay u saameeyaan qoysaska. Wuxuu bixiyaa macluumaad ku saabsan wixii aan ku aragnay ficillada dhaqangelinta ka hor iyo waxa aay tahay in laga eego tallaabooyinka dhaqangelinta mustaqbalka. Xiriirka
  • Qalabka u-diyaargarowga socdaalka ee Xarunta Cadaalada ee Muhaajiriinta Qaranka (NIJC): Macluumaadkani waxa uu qeexayaa tillaabooyin la taaban karo oo adiga iyo xubnaha qoyskaagu aad qaadi kartaan si aad isaga ilaalisaan masaafurinta ballaaran. Xiriirka.
  • Qalabka Jawaabta Degdegga ah ee Shabakadda Socdaalka Sharciga ee Catholic, Inc. (CLINIC): Tilmaame faahfaahsan oo kaa caawinaya abaabulka iyo inaad ka qaaddo tallaabo bulshadaada dhexdeeda ah si aad uga hortagto weerarrada iyo fulinta socdaalka. Waxaa kujira ficillo tillabo talllabo ah ee wacyi-gelinta, taageerada sharciga, iyo isku-dubbaridka tabaruca. Xiriirka
  • Qalabka u-diyaargarowga socdaalka ee Xarunta macluumaadka sharciga ee socdaalka (ILRC): Qalabkani waxa uu bixiyaa tillaabooyin cad oo wax ku ool ah oo adiga iyo qoyskaagu aad raaci kartaan si aad u dhawrtaan naftiinna haddii ay dhacdo ficilada fulinta socdaalka, oo ay ku jiraan duulaanka socdaalka ama xaaladaha kale ee la xidhiidha. Waxay bixisaa hagaha ku saabsan sida loo raadsado lataliye sharci waxayna sharxaysaa fursadaha socdaalka ee kala duwan ee la heli karo. Xiriirka Ingiriisiga I Xiriirka Isbaanishka
  • ACACIA Xarunta Hagayaasha Sharciga ee Cadaalada: Dukumeentiyadan iyo fiidiyowyadani waxay bixiyaan hagitaan gaar ah oo ku saabsan arrimaha socdaalka gaarka ah. Xiriirka

U diyaargarowga Hawlgallada ICE

Haddii aad ka shakisan tahay ama aad wax ka barato falalka dhaqan gelinta socdaalka ee soo socda ee bulshadaada, waa muhiim inaad si degdeg ah isu abaabusho.

  • Qalabka Jawaabta Degdegga ah ee Shabakadda Socdaalka Sharciga ee Catholic, Inc. (CLINIC): Hage cad oo ku saabsan sida loo sameeyo koox ka tirsan beeshaada si ay uga jawaabaan howlgallada ICE aay sameeyso oo aad hubiso inaad haysato caawimo sharci marka loo baahdo. Xiriirka
  • Talada Qorshaha Degdegga ah: Waxay muujisaa muhiimada ay leedahay in la yeesho qorshe badbaado shaqsi iyo mid qoys (kaas oo la mid ah u diyaargarowga masiibooyinka dabiiciga ah). Waxaa ku jira talooyin ku saabsan samaynta liiska xiriirka, magacaabista daryeel bixiye kayd ah, iyo in ka badan. Xiriirka Ingiriisiga I Xiriirka Isbaanishka Haitian-Creole I Xiriirka Isbaanishka
    • Ha la wadaagin qorshahaaga degdegga ah ama qorshahaaga badbaadada ICE: Qorshahaaga degdega ah ama badbaadada waxa loogu talagalay in aad adiga isticmaashid ama uu isticmaalo saaxiib aad aaminsan tahay ama xubin qoyska ka tirsan. Qorshaha waa in aan lala wadaagin ama aan la siin ICE, sababtoo ah waxaa ku jiri kara macluumaad xasaasi ah oo lagu adeegsan karo adiga marka lagu jiro dacwooyinka socdaalka, oo ay ku jiraan tafaasiisha shakhsi ahaaneed sida dalkaaga dhalashada, taas oo laga yaabo in ay waxyeeleyso kiiskaaga.
    • Xusuusnow Xuquuqdaada oo ahaaw mid nabdoon:
      • Ha ka been sheegin xaaladdaada socdaalka hana bixin dukumeenti been abuur ah.
      • Ahaaw mid nabdoonadigoo isdejinaya, aan ordaynin, aan murmaynin, aan carqaladeeynaynin sarkaalka, aan iska caabinaynin oo diidaynin in lagu xidho, xataa haddii aad aaminsan tahay in xuquuqdaada lagu xadgudbay. Gacmahaaga ku hay meel ay booliisku ama ICE ka arki karaan.
      • Waxaad xaq u leedahay inaad aamusto mana aha inaad kala hadasho socdaalkaaga ama xaaladaada muwaadinimo booliiska, wakiilada socdaalka, ama saraakiisha kale. Wax kasta oo aad u sheegto sarkaal ayaa hadhow lagu isticmaali karaa adiga marka aad ku sugan tahay maxkamada socdaalka.
      • Haddii aadan ahayn muwaadin Maraykan ah oo wakiilka socdaalka uu ka codsado waraaqahaaga socdaalka, waa inaad tustaa haddii aad wadato.
      • Haddii wakiilka socdaalka uu ku weydiiyo inay ku baari karaan, waxaad xaq u leedahay inaad tiraahdo maya. Wakiiladu xaq uma laha inay ku baadhaan adiga ama alaabtaada ogolaansho la'aan ama aay ku baaran sabab macquul ah.
      • Haddii aad ka weyn tahay 18, waxaad qaadataa waraaqahaaga socdaalka mar kasta. Haddii aadan haysan waraaqadahaaga socdaalka, u sheeg sarkaalka inaad rabto inaad iska aamusto, ama aad rabto inaad la tashato qareen ka hor inta aanad ka jawaabin su'aalo kasta.

mytubethumb play
%3Ciframe%20class%3D%22media-youtube-player%22%20width%3D%22580%22%20height%3D%22324%22%20title%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20When%20ICE%20Is%20Outside%20Our%20Doors%20%28English%29%22%20src%3D%22https%3A%2F%2Fwww.youtube-nocookie.com%2Fembed%2FpW4uixi4b_E%3Fwmode%3Dopaque%26amp%3Bcontrols%3D1%26amp%3Bmodestbranding%3D1%26amp%3Brel%3D0%26amp%3Bshowinfo%3D0%26amp%3Bcolor%3Dwhite%26autoplay%3D1%26version%3D3%26playsinline%3D1%22%20name%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20When%20ICE%20Is%20Outside%20Our%20Doors%20%28English%29%22%20frameborder%3D%220%22%20allowfullscreen%3D%22%22%20id%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20When%20ICE%20Is%20Outside%20Our%20Doors%20%28English%29%22%20allow%3D%22autoplay%22%3EVideo%20of%20WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20When%20ICE%20Is%20Outside%20Our%20Doors%20%28English%29%3C%2Fiframe%3E
Privacy statement. This embed will serve content from youtube-nocookie.com.

mytubethumb play
%3Ciframe%20class%3D%22media-youtube-player%22%20width%3D%22580%22%20height%3D%22324%22%20title%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20Inside%20Our%20Homes%20%28English%29%22%20src%3D%22https%3A%2F%2Fwww.youtube-nocookie.com%2Fembed%2FX_tLoRdoECM%3Fwmode%3Dopaque%26amp%3Bcontrols%3D1%26amp%3Bmodestbranding%3D1%26amp%3Brel%3D0%26amp%3Bshowinfo%3D0%26amp%3Bcolor%3Dwhite%26autoplay%3D1%26version%3D3%26playsinline%3D1%22%20name%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20Inside%20Our%20Homes%20%28English%29%22%20frameborder%3D%220%22%20allowfullscreen%3D%22%22%20id%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20Inside%20Our%20Homes%20%28English%29%22%20allow%3D%22autoplay%22%3EVideo%20of%20WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20Inside%20Our%20Homes%20%28English%29%3C%2Fiframe%3E
Privacy statement. This embed will serve content from youtube-nocookie.com.

Isku diyaarinta Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dhaqangelinta Socdaalka

Dugsiyada iyo jaamacadaha ayaa laga yaabaa inay leeyihiin siyaasado lagu ilaaliyo ardaydooda soo-galootiga ah, laakiin waa muhiim inaad fahanto xuquuqahaaga heer federaal iyo heer degmo ee D.C.

  • U diyaargarowga Hawlgallada ICE - Hagaha loogu tallagalay Dugsiga & Iskaashiga Bulshada: Waxaad diirada sartaa sida barayaasha, waalidiinta, iyo ardaydu ay si firfircoon ugu diyaar garoobi karaan haddii falalka dhaqangelinta socdaalka ay ka dhacaan dugsiyada agtooda. Waxay dhiirigelisaa wada shaqayn badbaado iyo taageero leh. Xiriirka
  • Dhaqangelinta Socdaalka ee Dugsiyada. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud (OAG) hagida si loo caddeeyo xuquuqda iyo macluumaadka ardayda haddii ay fulinta socdaalka aay ka dhacdo dugsiyada. Macluumaadka waxaa loogu talagalay in lagu taageero shaqaalaha degmada si ay u ilaaliyaan xuquuqda ardayda iyo qoysaska.  Xiriirka (Cusboonaysiinta 2025) 
  • Xafiiska DC ee Kormeeraha Waxbarashada Gobolka - Barnaamijka Waxbarshada Shakhsiyaadka Hoylaawayaasha ah Wuxuu wax ka qabtaa oo gacan ka gaysta xuquuqda waxbarasho ee ardayda ay haysato hoy la'aanta, oo ay ku jiraan ardayda soo-galootiga ah ee aan haysan guri xasilloon. Ardayda soo-galootiga ah ee waalidkood hadda ku xiran yihiin xabsiga ama mar hore la soo tarxiilay waxay heli karaan ilaalin iyo adeegyo si gaar ah loogu talagalay ardayda ay haysato hoy la'aanta. Xiriirka
  • Waaxda Waxbarashada ee Maraykanka - Xaqiijinta Helitaanka Siman ee Waxbarasho ee Ardayda Muhaajiriinta ah: Tilmaanta rasmiga ah ee ka hortagga takoorka, ilaalinta xuquuqda ardayda, iyo hubinta in dhammaan carruurtu aay tagi karaan dugsiga dadweynaha. Xiriirka
  • UCLA – Mashruuca Caafimaadka Maskaxda ee Dugsiga: Wuxuu ka hadlaa caqabadaha shucuureed iyo caqabadaha caafimaadka maskaxda ee ay la kulmaan ardayda soo galootiga ah waxayna siisaa xeelado dugsiyadu ku bixiyaan taageero. Xiriirka
  • Agabka Ilaalinta Degdegga ah Qoysasku waxay dejin karaan qorshe sharci ah oo ku saabsan cidda daryeeli doonta carruurta haddii waalidiinta si lama filaan ah loo xiro. Xidhiidhadani waxay muujinayaan nidaamka DC, Maryland, iyo Virginia.
  • Maxaan samayn karaa si aan isu diyaariyo?
    • Waxaad sameeysaa qorshe badbaado:
      • Aqoonso xiriiradaada xlladaha degdega ah oo waxaad xafida lambaradooda taleefan.
      • Sii dugsiga ilmahaaga ama xannaanada carruurtaada macluumaadka xiriirka degdeg ah si aad u soo qaadaan ilmahaaga (carruurta) haddii aadan awoodin inaad soo qaadato.
      • Ku bixi ogolaansho qaab qoraal ah macluumaadkaaga xiriirka degdega ah si aay ugu gaaran go'aamo caafimaad iyo mid sharci ah ilmahaaga.
      • U sheeg kuwa aad jeceshahay in haddii  aay ku xirto ICE, in aay isku dayi karaan inay adeegsadaan nidaamka dabagalka maxaabiista ICE si ay kuu helaan: https://locator.ice.gov/odls/#/search.
      • U sheeg xubin qoyskaaga ah ama saaxiib aad aaminsan tahay halka laga heli karo qorshahaaga degdega ah ee qoran. Qorshahan had iyo jeer ha qaadanin, hana la wadaagin ICE. Xiriirka.
      • Wax ka baro mas'uulka heeganka ah ee DC, kaas oo u ogolaanaya waalidiinta in ay magacaabaan ilaaliyaha heeganka ah si uu u daryeelo ubadkooda (caruurtooda) marka aysan awoodin inay daryeellan caruurtooda, oo ay ku jirto marka waalidiinta ama dadka ardayda masuulka ah aysan daryeeli karin ilmahooda madaama iyaga la xiray ama waa la tarxiilay. Ilaalinta Degdegga ah ee DC ma joojinayso ama ma xaddidayso xuquuqda sharciga ah ee waalidka, waalidiintuna way joojin karaan u magacaabistooda wakhti kasta oo aay doonayaan. Xiriirka.
      • Waa muhiim inaad ka fiirsato inaad meel dhigto dukumeentiga awooda qareenka, kaas oo u oggolaanaya qofka lagu kalsoon yahay ee aad dooratay inuu sii haysto qareen iyo/ama uu dacweeyo magacaaga haddii ay dhacdo in ICE ay ku xirto oo aadan awoodin in aad la xidhiidho aduunka dibadiisa madaama aad xidhantahay.
    • Waxaan Leenahay Xuquuq: Olole adeegsada luqado badan si loo awood siiyo bulshooyinka soogalootiga ah isagoo siinaya si ay u fahmaan, u sahmiyaan, ugana hor yimaadaan isdhexgalka ay la yeelan karaan ICE. Muuqaallada ogow xuquuqdaada ayaa lagu heli karo Ingiriisi, Isbaanish, Carabi, Mandarin, Haitian-Creole, Ruush, iyo Urduu si ay u taageeraan soogalootiga iyo kuwa u taagan diiwaan gelinta iyo ka jawaabista xiritaanka ICE. Xiriirka
      mytubethumb play
      %3Ciframe%20class%3D%22media-youtube-player%22%20width%3D%22580%22%20height%3D%22324%22%20title%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20In%20Our%20Communities%2C%20In%20Our%20Streets%20%28English%29%22%20src%3D%22https%3A%2F%2Fwww.youtube-nocookie.com%2Fembed%2FFrK8aaGxRJE%3Fwmode%3Dopaque%26amp%3Bcontrols%3D1%26amp%3Bmodestbranding%3D1%26amp%3Brel%3D0%26amp%3Bshowinfo%3D0%26amp%3Bcolor%3Dwhite%26autoplay%3D1%26version%3D3%26playsinline%3D1%22%20name%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20In%20Our%20Communities%2C%20In%20Our%20Streets%20%28English%29%22%20frameborder%3D%220%22%20allowfullscreen%3D%22%22%20id%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20In%20Our%20Communities%2C%20In%20Our%20Streets%20%28English%29%22%20allow%3D%22autoplay%22%3EVideo%20of%20WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20In%20Our%20Communities%2C%20In%20Our%20Streets%20%28English%29%3C%2Fiframe%3E
      Privacy statement. This embed will serve content from youtube-nocookie.com.

    U diyaar garowga ka dhaqangelinta socdaalka ee goobta shaqada

    Loo-shaqeeyayaasha waxaa laga yaabaa in aay ka qarqabaan ama waxaa laga yaabaa inaysan ka warqabin mas'uuliyadooda haddii ICE ay ka soo muuqato goobta shaqada. Baro sida loo ilaaliyo shaqaalahaaga.

    • Xarunta Sharciga Socdaalka Qaranka - Hagaha loogu talagalay Loo-shaqeeyayaasha: Wuxuu sharxayaa waxa loo-shaqeeyayaashu ay tahay inay sameeyaan haddii wakiilada socdaalka yimaadaan goobta shaqada. Waxay ka caawisaa hubinta in la ixtiraamo xuquuqda shaqaalaha. Xiriirka

     

    Taageerada sharciga iyo agabka Xariga, Xabsiga, iyo Masaafurinta

    Haddii adiga ama qof aad jeceshahay aad la kulantaan xarig, masaafurid, ama arrin kasta oo socdaalka ah oo ballaran, kooxahani waxay bixiyaan kaalmo sharci oo bilaash ah kaas oo lagu heli karo qiimo jaban.

    • Shabakadda Qareennada Socdaalka: Koox heer qaran ah oo bixinaysa adeegga socdaalka si lacag la'aan ama qiimo jaban. Isticmaal hagahooda si aad u hesho qareen kuu dhow. Xiriirka
    • Qareenka AILA: Hagaha rasmiga ah ee Ururka Qareenada Socdaalka Maraykanka. Ku baadh goobta iyo aaga shaqada. Xiriirka
    • Liiska bixiyeyaasha adeegga sharciga ee bixiya kaalmo sharci oo bilaash ah (Waaxda Cadaalada): Liis dhamaystiran oo wakiil sharci ah oo bilaash ah ama qiimo jaban. Waxaa soo agaasimay dowlad iyo gobol. Xiriirka
    • U doodista magangalyada: Waxay ku xidhaa magangelyo-doonka la-taliye sharci iyo taageerada bulshada. Macluumaadka Isbaanishka Haddii qof la xiro ama la masaafuriyo, waxaa muhiim ah in si degdeg ah wax looga qabto. Isticmaal macluumaadkan si aad u heshid oo aad u raadisid qof aad jeceshahay, oo aad u qorsheyso siideyntooda, una fahamto xuquuqdooda.
    • ICE – Nidaamka onlaynka ah ee lagu raadini karo maxaabiiska: Qalabka rasmiga ah ee dawladda si loogu helo qof ku jira xabsiga ICE. Macluumaadka si joogto ah ayaa loo cusboonaysiiyaa laakiin mararka qaarkood waxay la kulmi karaan dib u dhac ku yimaada helitaankooda. Xiriirka
    • Ka fogow khiyaanada socdaalka:
      • Kaliya ka raadso la-talin sharci qareen ama wakiil la aqoonsan yahay oo ka tirsan hay'ad aan faa'iido doon ahayn taas oo ay aqoonsan tahay Waaxda Caddaaladda.
      • Qareenadu waa inay ruqsad sharci ka haystaan ​​dawlad Maraykan ah si ay ugu dhaqmaan sharciga. Ka codso in aay ku tusaan ruqsadooda sharciga. Ruqsada sharciga ee wadamada kale awood uma siinayso ka hirgalinta sharciga gudaha Maraykanka.
      • Wakiilada la aqoonsan yahay waa in la ictiraafo oo ay u shaqeeyaan sida wakaalad aan faa'iido doon ahayn taas oo ay aqoonsan tahay Waaxda Cadaaladda. Ka codso in aay ku tusaan dukumeentiyadooda aqoonsiga.
      • Weligaa ha saxiixin codsi leh macluumaad been ah.
      • Weligaa ha saxiixin foom madhan.
      • Codso in lagu siiyo koobiyo wax kasta oo aad saxiixdo.
      • Haddii talada ay u muuqato mid aad u wanaagsan inay run noqoto, hel ra'yi kale ka hor intaadan gudbin codsiga socdaalka.
      • Akhri NIJC hagaha buuxa ee NIJJC ee ku saabsan sida looga fogaado khiyaanada socdaalka.
    • Ka digtoonow khiyaanada dhijitaalka ah:
      • Ka digtoonow qoraalada BARAHA bulshada ee ballan qaadaya caawinta socdaalka degdegga ah ama cusub.
      • Dowladda Mareykanka, (oo ay ku jiraan hay'ado ay ka mid yihiin Waaxda Amniga Gudaha, Adeegga Jinsiyadaha iyo Socdaalka Mareykanka, Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda) waligood kalama so xiriiri doonto WhatsApp ama goob kasta oo baraha bulshada ah.
      • Marka laga reebo xaddidan, (sida dadka laga soo daayay xabsiga oo loo sheegay inay qasab ku tahay inay ICE ka hubiyaan taleefoonka) dawladda Maraykanku guud ahaan lama xiriirto shakhsiyaadka taleefanka.
      • Haddii aad ka hesho fariin lama filaan ah ama telifoon qof sheeganaya inuu yahay sarkaal socdaalka ama sarkaal kale oo dawladeed, ha ka jawaabin hana la wadaagin macluumaadka shakhsiyeed. Ha xawilin ama ha wareejin lacag si aad u bixiso "kharashka bixinta" ama sabab kale. Haddii aad shaki ka qabtid, la tasho qareen ama wakiil la aqoonsan yahay ka hor intaadan qaadin wax tallaabo ah.
      • Ka fogow kuso wadaagida macluumaadka aan la hubin baraha bulshada.

    mytubethumb play
    %3Ciframe%20class%3D%22media-youtube-player%22%20width%3D%22580%22%20height%3D%22324%22%20title%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20If%20ICE%20Arrests%20Us%20%28English%29%22%20src%3D%22https%3A%2F%2Fwww.youtube-nocookie.com%2Fembed%2FxOOjvP36ubo%3Fwmode%3Dopaque%26amp%3Bcontrols%3D1%26amp%3Bmodestbranding%3D1%26amp%3Brel%3D0%26amp%3Bshowinfo%3D0%26amp%3Bcolor%3Dwhite%26autoplay%3D1%26version%3D3%26playsinline%3D1%22%20name%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20If%20ICE%20Arrests%20Us%20%28English%29%22%20frameborder%3D%220%22%20allowfullscreen%3D%22%22%20id%3D%22WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20If%20ICE%20Arrests%20Us%20%28English%29%22%20allow%3D%22autoplay%22%3EVideo%20of%20WE%20HAVE%20RIGHTS%3A%20If%20ICE%20Arrests%20Us%20%28English%29%3C%2Fiframe%3E
    Privacy statement. This embed will serve content from youtube-nocookie.com.

    Qorshaynta mustaqbalka: Maamulka labaad ee Trump

    Inkasta oo ay jiraan caqabado dhanka sharciga iyo saadka ah, maamulkii ugu horeeyay ee Trump waxa uu caan ku ahaa kor u qaadista howlaha fulinta socdaalka. Sidaan horay u soo aragnay, tababar bayaan ah oo joogto ah kuna saabsan "oga-xuquuqdaada" iyo isbahaysiga xooggan ee bulshada waxay u ilaalin karaan soogalootiga siyaabo macno leh.

    Maxaad samayn kartaa hadda?

    1. Ahaaw mid xog oggaal ah: Shuruucda iyo siyaasadaha si degdeg ah ayay isu beddelaan. Raac ururada la aamini karo sida ACLU, Xarunta Sharciga Socdaalka Qaranka  (NILC), Shabakadda Socdaalka Sharciga ee Catholic, Inc.  (CLINIC), ama kooxda gargaarka la wadaago ee deegaankaaga.
    2. Dhis qorshe: Diyaarso liiska xiriirka degdega ah, dukumentiyada sharciga ah, iyo qorshaha daryeelka qoyska haddii ay dhacaan ficilo fulineed.
      1. Dukumentiyada dhig meel nabdoon:
        1. Ku xafid macluumaadka aqoonsigaaga iyo macluumaadka maaliyadeed meel ammaan ah.
        2. Soo ururi dukumeentiyada muujinaya inta aay dhantahay muddada aad joogtey Maraykanka; labadii sano ee ugu dambeeyay ayaa ugu muhiimsan. Tan waxaa ku jiri kara canshuur celinta dakhliga Mareykanka, biilasha adeegyada, heshiisyada ijaarka, diiwaanka dugsiga, diiwaannada caafimaadka, diiwaannada bangiga, ama dukumentiyada kale.
        3. Hubi in xidhiidhkaaga xaaaladaha degdega ahi uu heli karo dhammaan dukumentiyadan.
    3. Kaashi la samee xulafada: Ku biir shabakadaha u doodista deegaanka, kooxaha jawaabta degdega ah, ama kooxaha mutadawiciinta ah ee bixiya macluumaad iyo taageero.